Taliyaha Ciidanka Asluubta Jamhuuriyadda Sudan Sareye Guud Xatim Alnuur Cabdulqaadir ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Socdaalkiiwax waa ku wehliyay ku xigeenadiisa iyo sarakiil ka tirsan ciidanka Asluubta Sudan, kadib Markii uu Casuumay Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.
Ujeedka socdaalka Wafdigaan ka socda Sudan ayaa ah ka qaybgalka Munaasabad lagu maamuusayo Aas-aaska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo Berri lagu qabanayo Magaalada Muqdisho.
Sareye Guud Xatim Alnuur Cabdulqaadir ayaa sheegay in socdalkiisa uu ku qotomo ka qeybgalka munaasabadad Ciidanka Asluubta, islamarkana ay khibrado isdhafsan doonaan dhigiisa Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa uga mahadceliyay Taliyaha booqashada uu ku yimid Soomaaliya iyo sida uu u aqbalay casuumaddii loo fidiyay.
Xarumaha Ciidanka Asluubta ayaa waxaa ka socda diyaar garoow ku aadan xuska 49-sano guuradii kasoo wareegtay markii la aas-aasay, waxaana inta badan munaasabadda lagu wadaa in lagu soo bandhigo waxqabadkooda iyo hiigsigooda sanadka soo socda.
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…