Ciidamada AMISOM oo lagu weeraray Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee maanta lagu weeraray Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada AMISOM.

Mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada AMISOM ayaa qarax ku qabsaday Deegaanka Ilbaq oo u dhaxeeya Jowhar iyo Balcad, waxaana la maqlay qaraxa kadib rasaas ay ridayeen Ciidamada Miowga Afrika.

Goobjoogayaal ayaa Mustaqbal u sheegay in iska hor imaad kooban uu dhexmaray Ciidanka Burundi ee Gaariga laga qarxiyay watay iyo koox hubeysan oo weerartay qaraxa kadib.

Ciidamada ayaa ka tagay Degmada Balcad, waxa ay kusii jeedeen dhanka Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle.

Lama soo sheegin inta uu gaarsiisan yahay Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, maadaama xilliyada ay weerarada iyo qaraxyada ay dhacaan aan u sahlaneen dadka in ay ka agdhawaadaan goobahaas.

Deegaanka Ilbaq ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay qaraxyo iyo weeraro lagu qaaday mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hir-Shabeelle, Ciidamada Dowladda Federaalka iyo AMISOM, waxaana inta badan sheegta Al-Shabaab.

Sidoo kale Deegaankaan waxaa Talaadadii Todobaadkaan ka dhacay Qarax Miino oo qabsaday Gaari kuwa dhismaha ah oo dul maray Miino lagu aasay Wadada, waxaana ku dhintay labo qof oo gaariga saarneed.

Web master

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

2 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

3 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

6 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

6 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

6 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

17 hours ago