Bashiir Cabdi Maxamed.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed ayaa maanta lagu wadaa in uu tababar ugu soo xiro Ciidan Boolis ah oo tababar ku dhameystay Gobolka Gedo.
Taliyaha iyo Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya oo uu horkacayay ayaa shalay gaaray Magaalada Garbahaarreey ee Gobolka Gedo,halkaas oo ay xalay ku hoydeen.
Maanta ayaa lagu wadaa in ku dhawaad 400 oo Askari oo Boolis ah uu tababar ugu soo xiro Garbahaarreey halka kuwo kalena uu tababar u furayo.
Ciidamada Booliska ah ee tababarka loogu soo xirayo Gobolka Gedo aya hoostaga dowladda Federaalka ah,waxaana xusid mudan in maamulka Gobolka Gedo uu ku kala qeybsanyahay ka mid ahaanshaha Maamulka Jubaland.
Saraakiisha dowladda Federaalka ah ee Milatariga Soomaaliya ee qeybta 43aad ayaa ka howlgala Gobolka Gedo markii dhinaca Kismaayo uu u diiday Maamulka Jubaland.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…