Taliyaha Booliska iyo Keating oo gaaray Gaalkacyo

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya  Bashiir Cabdi Maxamed(Ameeriko) iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating,ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wafddiga gaaray Gaalkacyo,waxaa ay booqanayaan Xerada ay ku jiraan Ciidamada ka socda dowladda Federaalka ee isku dhafka ah kuwaas oo qaabilsan amniga Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa kale oo ay la kulmi doonaan mas’uuliyiinta Gobolka Mudug ee Maamullada Puntland iyo Galmudug.

Mas’uuliyiinta Gobolka Mudug  ee labada maamul ayaa qaabilay Wafddiga gaaray Gaalkacyo,waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay kulan yeeshaan.

Magaalada Gaalkacyo ayaa xasilooneyd tan iyo markii amniga lagu wareejiyay Ciidamada isku dhafka ah ee labada maamul toosna loo hoosgeeyay dowladda Federaalka ah.

Mustaqbal media

Recent Posts

Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah

Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…

1 hour ago

Uganda oo shaacisay in dalkaasi uusan ka jirin cudurka Ebola

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…

1 hour ago

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…

3 hours ago

Wadahadalka Dowladda & Mucaaradka oo dib u billaabanaya

Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…

6 hours ago

Wasiir Al-Cadaala “Amniga Puntland waxaa mas’uul ka ah dowladda Soomaaliya.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…

7 hours ago

Hindiya oo Soomaaliya ku wareejinaya Maxaabiis ku xukuman Xabsi daa’in

Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…

7 hours ago