Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa taallo xusuus ah ka taagtay Isgoyska KM 5 ama (Soobe) oo ah goobtii uu ka dhacay Qaraxii ay ku nafwaayeen Dad ku dhow 500 oo qof oo shacab ah sanad kahor 14-kii October 2017-kii.
Taalladan laga dhisay Isgooska Soobe ayaa qorshuhu ah in sanad kadib lagu Xasuusto Dadkii dhimashada iyo dhaawac kasoo gaaray.
Waxaana jira dad Nolol iyo Geeri midna aan lagu helin oo Ehelkooda Markii ka dambe ay Sabreen una xisaabiyeen in ay geeriyoodeen.
Kulankii Golaha Wasiirada ay yeesheen Maalin kahor waxa ay kaga hadleen Munaasabadda 14-ka October oo Berri ku beegan, si Ehelkii dhibanayaasha u noqday dhacdadaas xusuusta lala wadaago.
Taallo lagu xardhay Taariikhda 14-ka October ayaa laga dhisay Bartamaha Isgoyska Soobe oo ah Isgoys Saddex Xagal ah oo ay ku kulmaan Gawaarida ka kala timaada Banaadir, Dan wadaagta iyo KM4.
Warbixino ku saabsan Sanad kadib Qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe kala soco Mustaqbal Radio.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…