WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Sucuudiga iyo Soomaaliya oo kaalmaha hore ka galay wadamada Carbeed ee fuliyay xukunada ugu badan.

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa soo saartay Warbixin ku saabsan Tacadiyadii Xuquuqda Aadanaha ee dalalka Caalamka ka dhacay sanadkii la soo dhaafay ee 2019-kii.

Warbixinta oo koobnayd 39 bog ayaa waxaa lagu muujiyey in 657 qof lagu dilay 20 Waddan oo ka mid aha caalamka,waxaana liiska hore ka galay dalalka Shiinaha, Iran, Sacuudiga, Iraq, Masar, Maraykanka iyo Pakistan.

Hay’adda oo Fadhigeeda Dhexe yahay magaalladda London waxaa kaloo lagu soo bandhigay Saddexda Waddan ee Carabta ee dilalka ugu badan laga fuliyey sanadkii hore ee 2019-kii ka dib abla-ablayn lagu sameeyay guud ahaan wadamada Carabta.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in ay jiraan Dalal Carbeed oo sanadkii hore laga fuliyey Dilalka ugu badnaa, liiska dalalka Carbeed ee laga fuliyey dilalkii ugu badnaa sanadkii hore waxa ay kala yihiin:

Waddanka Sacuudiga ayaana ugu horeeya, iyadoo 184 qof lagu fuliyey Xukunka Dilka sanadkii hore 2019 sida lagu sheegay war-bixin sanadeedka Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International.

Dalka Iraq ayaa galay kaalinta labaad ee wadamada Carabta, waxaana Xukunka dilka lagu fuliyey 100 qof gudaha dalkaasi.

Dalka Masar waxaa xukunka dilka lagu fuliyey 32 qof sida lagu sheegay warbixinta.

War-bixinta oo shalay soo baxday ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya sanadkii hore xukun dil lagu fuliyey 12 qof.

Dalka Yemen waxaa xukuno dil ah lagu fuliyey 7 qof.

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International waxay muujisay in dalka Maraykanka lagu fuliyey xukunka dilka 22-qof, kuwaasi oo dilkooda loo adeegsaday Cirbado sun ah oo lagu duray, halka Shiinaha aan la ogeyn tirada dadkii lagu dilay sanadkii hore, maadaama aysan Maamulayaasha dalkaasi soo bandhigin tirada dadka ay ku fuliyaan xukunka dilka ah.

Waddanka Iran waxaa la sheegay in sanadkii hore lasgu dilay 251-qof oo uu ku jiray Wiil isagoo aan qaangaarin loo xiray eedeyn ku aadan in qof dilay,halka Pakistan warbixinta lagu sheegay in sanadkii hore xukuno dil ah lagu fuliyey 14-qof iyo dalka Koonfurta Suudaan lagu dilay 11-qof.

Wadama inta badan kaalmaha hore ka soo muuqday ayaa waxaa ka mid ah dalalka ka soo kabsanaya colaadaha Sookeeyo sida Soomaaliya, Ciraaq, yaman iyo Suuriya.

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

14 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

18 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

18 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

19 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

20 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

20 hours ago