GUDAHA/wararka

Wasaaradda Haweenka oo daah-furtay Hal-Abuur dhaqaale lagu siinayo qoysaska uu saameeyay Covid-19.

Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul insaanka XFS ayaa maanta oo Arbaco ah Magaalada Muqdisho ka daah-furtay Hal-Abuur lagu taageerayo Haweenka qoysaska dantayar ee uu saameynta taban ku yeeshay Cudurka Coronavirus.

Haweenkaan ayaa badi ka shaqeysan jiray Ganacsiga yar yar sida Caanaha, Maqaayadaha, Shaaha iyo Qaadka, waxaana saameyn ku yeeshay xannibaadda ka dhalatay Cudurka Coronavirus.

Wasiir Deeqo ayaa sheegtay in haweenkaan ay sidoo kale saameyn taban ku yeesheen dhaq-dhaqaaqyada dibadda ee joogsaday oo ay lacago ku taageeri jireen ehelkooda balse ay waayeen waayahaan.

“Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa iyannu soo wajahan, Wasaaraddu waxa ay u adkeysan weysay xaaladda ay ku sugan yihiin qoysaskaan, waxaana ballanqaadeynaa 100-qoys in aynu siino raashin ay ku daboolaan baahidooda” ayay tiri Wasiirka Haweenka XFS.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf waxa ay intaa ku dartay in aragti gaar ah u leeyihiin Haweenka iyo Carruurta kasoo jeeda qoysaska Dantayar ee Gudaha dalka ku sugan.

“Dowladda waxaa ka go’an gacansiinta dadka jilicsan ee baahiyada gaarka ah qaba, dadaalka Wasaaradda Haweenku waxa ay sameysay madal ay kula hadlaan dadkaas si aysan meesha uga bixin la socodkooda” ayay kusii dartay Deeqa Yaasiin Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka XFS.

Dhanka kale waxa ay soo hadal qaaday Haweenka iyo qoysaska Barakacayaasha ah ee ku sugan Xeryaha ay ka dhisteen Caasimadda iyo duleedkeeda, iyada oo ku baaqday guud ahaan in cid waliba oo awoodda ay gacan ka geysato u gurmashada dadkaan.

Muqdisho waxaa xiliyadii habeenkii la geliyay Bandow ka bilaabanaya 8-da fiidnimo kuna eg 5-ta aroornimo, waxaana ku shaqo waayay qoysas badan oo waqtigaas ganacsanayay.

MM Editor

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

10 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

10 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

11 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

13 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

13 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

15 hours ago