Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa la kulmay dhiggiisa Uganda, Janaraal Muhoozi Kainewaragi oo ay kawada hadleen dardargelinta howlgallada ka dhanka ah AS iyo taageerista Ciidanka Xoogga Dalka.
Janaraal Ibraahim ayaa Janaraal Muhoozi la wadaagay dedaallada lagu xoojinayo ciidamada Xoogga Soomaaliyeed si ay ula wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalka waa marka uu soo dhammaado howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Muhoozi ayaa bilo kahor ku dhawaaqay in ciidanka dalkiisa ka jooga Soomaaliya ay kala baxayaan marka la gaaro August 2027, taasi oo ka dhigan in 20 sano kaddib in ciidamada Uganda ay isaga baxayaan Dalka.
Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo saddex qaab oo kala duwan u jooga waana Ciidanka Militariga ah ee AUSSOM, Booliiska isla howlgalkaas ka socda iyo Ciidamada gaarka ah ee ilaaliya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Mustaqbal
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cunaqabatayn maaliyadeed kusoo rogtay 10 qof oo ay ku eedeysay inay…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa khudbad uu ka jeediyay Gobolka Ohio waxa uu kusoo hadal…
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in uu dhawaan Baarlamaanka Dalkiisa uu u gudbinayo…
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay qaadday howlgallo culus oo ka dhan ah AS kaddib…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay in ay aad ugu qoomamaynayaan dilka Madaxda Iiraan maadaama…
Xildhibaan Sagal oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ayaa lagu dhaariyay Kitaabka Qur’aanka Kariimka,…