Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cunaqabatayn maaliyadeed kusoo rogtay 10 qof oo ay ku eedeysay inay ku lug leeyihiin maalgelinta iyo taageeridda AS.
Go’aankan ayaa lagu shaaciyay war-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada, kaas oo sheegay in shaqsiyaadkaasi lagu daray Liiska Qaran ee Cunaqabataynta Maaliyadeed.
Shaqsiyaadka liiska lagu daray waxaa kamid ah Cabdicasiis Xasan Maxamed oo loo yaqaan Laftagareen, Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan Shub, Xasan Cabdi Maxamed oo loo yaqaan Ugaas Xasan, iyo Ibraahim Aadan Cali Najah.
Sidoo kale, liiska waxaa ku jira Xasan Cabdulkadir Maxamed, Cabdullaahi Cali Watiin, Cabdifitaax Mahad Cabdiraxmaan, Cabdimajiid Mowliid Xasan, Amiin iyo Abshir Aadan Isaaq.
Guddigu wuxuu sheegay in go’aankan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo la-dagaallanka maalgelinta argagixisada.
Guddiga ayaa sidoo kale uga digay muwaadiniinta iyo hay’adaha inay u hoggaansamaan go’aanka dowladda, isla markaasna aan xiriir lala sameyn karin shaqsiyaadkaasi.
Go’aanka dowladda ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay Ciidamo taabacsan Laftagareen weeraro ku soo qaadayeen magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Mustaqbal
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Ferhat Alkan ayaa booqashadii ugu horreysay oo uu ku tago meel…
Midowga Yurub ayaa ka walaacsan cudurka ka dilaacay Namibia ee Lo’da uga dhaca Afka iyo…
Golaha Shacabka Baarlamanaka 11aad ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Xeerka la dagaalanka Kufsiga iyo Anshax…
Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Janaraal Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay…
Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa soosaartay Warbixin ku saabsan sida ay ugu kala sarreeyaan dhinaca soosaarka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u soo ceshatay Nidaamka Tikidhada lagu maamulo…