Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Ferhat Alkan ayaa booqashadii ugu horreysay oo uu ku tago meel ka baxsan Muqdisho ku tagey gobolka Shabeellada Dhexe gaar ahaan degmada Warshiikh iyo deegaannada hoos yimaada.
Sida ay baahisay Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, Safiirka ayaa tagey gobolkaan oo ay ka socdaan Mashaariic ay kamid yihiin dhismaha xaruun laga ridi karo Dayax Gacmeed iyo Saldhigyo Ciidan.
Dhismaha xaruunta Dayax Gacmeedka oo muddo sanado ah socota ayaa ku taalla deegaanka Bashaqle oo hoos yimaada degmada Warshiikh.
Sidoo kale, Bayaanka Safaaradda Turkiga ayaa lagu tilmaamay in ay dhawaan Isbitaal ka hirgalin doonaan degmada Warshiikh, si wax looga qabto baahiyaha caafimaad ee ka jira degmada.
Safiirka ayaa tilmaamay in ay diirada saarayaan tayeynta adeegyada Bulshada ee gobolka Shabeellada Dhexe oo kamid ah goobaha ugu wax soo saarka wanaagsan Soomaaliya.
Turkiga ayaa kamid ah dowladaha xiriirka dhow la leh Soomaaliya, isagoo ka taageera dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda.
Mustaqbal
Midowga Yurub ayaa ka walaacsan cudurka ka dilaacay Namibia ee Lo’da uga dhaca Afka iyo…
Golaha Shacabka Baarlamanaka 11aad ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Xeerka la dagaalanka Kufsiga iyo Anshax…
Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Janaraal Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay…
Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa soosaartay Warbixin ku saabsan sida ay ugu kala sarreeyaan dhinaca soosaarka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u soo ceshatay Nidaamka Tikidhada lagu maamulo…
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay waqtiga la dhaarinayo Golaha Wakiillada Maamulka Galmudug ee…