Xildhibaan Sagal oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ayaa lagu dhaariyay Kitaabka Qur’aanka Kariimka, kaddib markii dhawaan loo doortay xubin ka tirsan Baarlamaanka Boqortooyada Midowday ee UK oo ay ku mataleyso deegaanka Holborn and St Pancras.
Sagal ayaa noqoneysa haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah ee ka mid noqota Baarlamaanka UK, taas oo tallaabo taariikhi ah u ah bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo qurba-joogta.
Sagal oo ka tirsan xisbiga Shaqaalaha ee Labour Party ayaa ku guuleysatay doorashadii ku-meel-gaarka ahayd ee toddobaadkii hore ka dhacday deegaanka Holborn and St Pancras, iyadoo dhaarinteedu noqotay hawshii ugu horreysay ee Golaha Wakiilladu qabto markii uu dib uga soo laabtay fasaxii shirarka xisbiyada.
Sagal Abdi-Wali ayaa si rasmi ah uga mid noqotay Golaha Baarlamaanka Boqortooyada Midowday ee UK, iyadoo ay hadal heyn sababtay doorashadeeda.
Mustaqbal
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in la…
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya ayaa bilaabay baaris gaar ah oo lagu sameynayo dugsiyada Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay Beesha Caalamka u gudbiso xubnaha Guddiga…
Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyeen Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoonka Baarlamaanka, Taliyeyaasha Ciidanka…
Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa si wadajir ah u xaqijiyeen in…
Dowladda Masar ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambaysay duqayn lagu beegsaday Macdan qodayaal u…