GUDAHA/wararka

Masar oo lagu eedeeyay in ay duqayn ku dishay Macdan qodoyaal u dhashay Suudaan

Dowladda Masar ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambaysay duqayn lagu beegsaday Macdan qodayaal u dhashay Suudaan oo ku sugnaa Waqooyi dalkaas gaar ahaan dhul caan ku ah macdanta sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan Kooxaha Xuquuqul Insaanka.

Ugu yaraan 72 qof ayaa ku geeriyootay duqayntaan waxaana jira dad kale oo dhaawac soo gaaray kuwaas oo la geeyay Goobaha Caafimaadka si daryeel ay u helaan sida ay ku warrameen ilo kala duwan oo xogtaan la wadaagay Warbaahinta.

Isla goobtaan waxaa 23kii June 2026 ka dhacay duqaymo lagu dilay dadka ka shaqaysta qodista macdanta ee u dhashay Jamhuuriyadda Suudaan, waxaana lagu eedeeyay falkaas inay ka dambaysay Xukuumadd Qaahira.

Deegaanka duqayntu ka dhacday oo ah dhul buuralay ah oo muddo halkaas laga qodanayay macdanta dibadda loo dhoofiyo waxaa lagu magacaabaa Jabal al-Uqaydat waxaana dhowr jeer weerarro ka fuliyay Ciidamada Masar.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Hantidhowrka Guud oo baaris gaar ah ku bilaabay Deeqaha Waxbarashada Dugsiyada Dalka

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya ayaa bilaabay baaris gaar ah oo lagu sameynayo dugsiyada Gobolka…

9 mins ago

DFS oo maanta Beesha Caalamka u gudbinaysa xubnaha ku matalaya Guddiga ka shaqaynaya hannaanka doorashooyinka 2027

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay Beesha Caalamka u gudbiso xubnaha Guddiga…

6 hours ago

Madaxda sare ee Dalka oo ka qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay maalinta Calanka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyeen Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoonka Baarlamaanka, Taliyeyaasha Ciidanka…

7 hours ago

139 qof oo Itoobiyaan ah oo ku dhintay Doon kula rogmatay Xeebaha Jabuuti

Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa si wadajir ah u xaqijiyeen in…

9 hours ago

Soomaaliya & Uganda oo kawada hadlay howlgallada ka dhanka ah AS 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa la kulmay dhiggiisa Uganda, Janaraal Muhoozi…

9 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo falal amniga lid ku ah ku eedeysay Ciidamo taabacsan MW hore Shariif

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay…

1 day ago