Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya ayaa bilaabay baaris gaar ah oo lagu sameynayo dugsiyada Gobolka Banaadir ee hela deeqaha waxbarashada, kuwaas oo qeyb ka ah Mashruuca Horumarinta Karaanka Aadanaha ee Waxbarashada Soomaaliya (SEHCDP).
Baaristan oo u sii gudbi doonta Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa Xafiiska Hanti dhowrka ka codsaday Wasaaradda Waxbarashada XFS, si loo xoojiyo isla xisaabtanka iyo in si sax ah adeegyada loo gaarsiiyo Bulshada
Hantidhowraha Guud ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in deeqaha loogu talagalay waxbarashada loo maareeyo si hufan, lana xaqiijiyo in dhaqaalaha loogu talagalay dugsiyada uu gaaro ujeeddooyinkii loo qoondeeyay, si loo xoojiyo tayada adeegyada waxbarashada iyo isla-xisaabtanka.
Intii kulanku socday, Waaxda Baarista Gaarka ah ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa soo bandhigtay meelaha ay baaristu diiradda saari doonto iyo habraacyada lagu fulinayo.
Baaristan gaarka ah kuma koobnaan doonto dugsiyada Gobolka Banaadir, balse waxay gaari doontaa dowlad-goboleedyada dalka ee laga fuliyo Barnaamijka Deeqaha Dugsiyada, si loo qiimeeyo hirgelinta, maamulka iyo ka faa’iidaysiga deeqaha ee deegaannada uu barnaamijku ka shaqeeyo.
Madaxda mashruuca iyo maamulayaasha dugsiyada ee kulanka ka qaybgalay ayaa soo dhaweeyay baarista gaarka ah, iyaga oo ballanqaaday in ay Xafiiska Hantidhowrka kala shaqayn doonaan bixinta xogaha iyo dukumentiyada looga baahan yahay.
Marka baaristu soo dhammaato, Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa diyaarin doona warbixin ka tarjumaysa natiijooyinka baarista iyo talooyinka lagu horumarinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo maareynta deeqaha waxbarashada.
Mustaqbal
Xildhibaan Sagal oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ayaa lagu dhaariyay Kitaabka Qur’aanka Kariimka,…
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in la…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay Beesha Caalamka u gudbiso xubnaha Guddiga…
Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyeen Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoonka Baarlamaanka, Taliyeyaasha Ciidanka…
Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa si wadajir ah u xaqijiyeen in…
Dowladda Masar ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambaysay duqayn lagu beegsaday Macdan qodayaal u…