Last News

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga u gudbinaya Heshiiska Difaaca Maka

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in uu dhawaan Baarlamaanka Dalkiisa uu u gudbinayo Heshiiskii Iskaashiga Difaaca ahaa dalkiisa uu la galay Sacuudiga iyo Pakistan kaas oo loogu magac daray heshiiska Makka.

Erdogan ayaa sheegay in heshiiskaan uu kamid yahay heshiisyo muhiim ah sidaas awgeed uu ula degdegayo Baarlamaanka si uu ugu codeeyo una meelmariyo waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Turkiga oo xogtaas kooban bixiyay.

Waxa uu si cad u sheegay in dalkiisa Turkiga uu garab taagan yahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya kana soo horjeeda wax weliba oo ka dhan ah Dalkaas sida weerarrada uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo ka dhan ah Bani aadamnimada.

Madaxweyne Erdogan ayaa difaacay heshiiska saddexda dal ee Kala ah Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan ee dhacay Bishii August sannadkaan 2026 kaas oo isku xiraya awoodda Militari ee saddexdaan oo midkood haddii uu culays dareemo labada kale garab istaagayaan.

Heshiis weliba oo Dowladda ay gasho waxaa waajib ah in loo gudbiyo Baarlamaanka Turkiga si haddii codka kalsoonida uu helo loogu dhaqaaqo fulintiisa waana tan keentay in Madaxweyne Erdogan uu codkaas raadiyo si uu degdeg ugu garab istaago Sacuudiga.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Midowga Yurub oo ka walaacsan cudurka laga helay Lo’da Namibia

Midowga Yurub ayaa ka walaacsan cudurka ka dilaacay Namibia ee Lo’da uga dhaca Afka iyo…

4 hours ago

Golaha Shacabka BFS oo ansixiyay Xeerka la dagaalanka Kufsiga & Anshax xumada

Golaha Shacabka Baarlamanaka 11aad ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Xeerka la dagaalanka Kufsiga iyo Anshax…

4 hours ago

Maxkamadda CQS sidee ayay ula falgashay Kiiska Qaraxii Soobe ka dhacay 2017?

Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Janaraal Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay…

4 hours ago

Sidee ayay Dalalka ku midaysan EAC ugu kala sarreeyaan dhaqaalaha kasoo gala Waxsoosarka Gudaha?

Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa soosaartay Warbixin ku saabsan sida ay ugu kala sarreeyaan dhinaca soosaarka…

6 hours ago

Soomaaliya oo dib u soo ceshatay nidaamka lagu maamulo Tikidhada Diyaaradaha

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u soo ceshatay Nidaamka Tikidhada lagu maamulo…

7 hours ago

Jadwalka Dhaarinta, Doorashada Guddoonka Wakiillada Galmudug, Hoggaamiyaha & ku xigeenkiisa oo lasoo saaray  

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay waqtiga la dhaarinayo Golaha Wakiillada Maamulka Galmudug ee…

8 hours ago