GUDAHA/wararka

Soomaaliya oo u mahadcelisay dalalka ku baaqay in la ilaaliyo midnimada dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dalal u soo diray farriimo garab istaag ah, isla markaasna muujiyay taageerada ay u hayaan midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xusay in ka badan toddobaatan dal oo si aan leex leexad laheyn u garab istaagey Soomaaliya, iyagoo doodooda gaartay ilaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dalalkaas waxaa ka mid ah Pakistan, Turkey iyo Boqortooyada Midowday ee UK, kuwaas oo kaalin muuqata ka qaatay taageerada siyaasadeed iyo tan diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Bayaanka ay soo saartay Madaxtooyadu wuxuu muujinayaa dalal badan oo caalamka ah iyo hay’ado waaweyn sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub, kuwaas oo dhammaantood muujiyay taageero midaysan oo ku aaddan qaddiyadda qaranimada Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa si cad u muuqata in liiska dalalka taageerada muujiyay ay ka maqan yihiin qaar ka mid ah dalalka dariska dhow la ah Soomaaliya, sida Itoobiya iyo Kenya, arrintaas oo dhalisay su’aalo ku saabsan mowqifkooda ku aaddan ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay in ay ka go’an tahay difaaca madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee dalka, iyadoo uga mahadcelisay dhammaan saaxiibada caalamiga ah ee garab istaagga muujiyay, kana codsatay beesha caalamka in ay sii laba jibbaaraan taageerada ay u hayaan xasilloonida iyo qarannimada Soomaaliya.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

3 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

5 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

6 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

11 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

13 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

13 hours ago