GUDAHA/wararka

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay arrimaha amniga

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Salaax Keshtah.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga militeriga ee Soomaaliya iyo Masar, kor u qaadista xiriirka istiraatiijiga ah, iyo fursadaha lagu ballaarin karo wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo danaha guud ee labada dal.

Masar iyo Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay kordhiyay wada-hawlgalka amniga, iyadoo dalka ay dhawaan imaan doonaan ciidanka dalkaasi oo qeyb ka noqon doona Howlgalka AUSSOM.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

8 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

10 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

10 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

15 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

17 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

18 hours ago