Sirdoonka UK oo sheegay in Samantha Lewthwaite,ay  ka baxsatay Somaliya.

Sirdoonka Dalka UK ee loo yaqaan M16 ayaa sheegay in Haweeneyda u dhalatay dalkaas hayeeshee ku biirtay Al Qaacidda ee Samantha Lewthwaite, ay hadda ku nooshahay dalka Yemen.

Qof ka mid ah Sirdoonka UK oo fadhigiisu yahay Nairobi ayaa shaqaaleysiistay qof ay isu dhawyihiin Samantha Lewthwaite¸waxaana uu xaqiijiyay in Haweeneydaas ka baxsatay Soomaaliya kuna sugantahay dhulka Koofurta Yemen ee ay caasimadda u tahay Magaalasa Cadan.

Sirdoonka UK ayaa sheegay in koofurta Yemen ay Samantha Lewthwaite, ku ilaalinayaan koox ka tirsan Al-shabaab oo halkaas ku sugan.

Dowladda Ingiriiska ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in AL-shabaab ay dhallinyaro badan ka qorteen Dalka Yemen,kuwaas oo ay suuragal tahay in ay gudaha Soomaaliya u soo gudbaan.

Samantha Lewthwaite¸ayey Sirdoonka Ingiriiska ee M16 sheegeen in ay mar booqatay Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta.

Waxaa ay walaac ka muujiyeen in Haweeneydan oo lafteeda Haween is qarxiya ka qoratay Yemen ay weerarro ka geysato meelo ay ka midyihiin Bariga dhexeama Yurub.

Sirdoonka Ingiriiska ayaa sheegaya in Haweenka Yemen ee is qarxinaya ay ku shaqaaleysiiso lacag dhan €300 Euro oo lacagta Yurub ah, sidoo kalena ay horay u shaqaaleysiisay Dhallinyaro rag ah oo qaarkood is qarxiyay kuwaas oo da’dooda lagu sheegay 15 jirro.

Xubinta ka tirsan Sirdoonka UK ee fadhigiisu yahay Nairobi ayaa sheegay in soo qabashada Haweeneyda lagu naaneyso Carmaladda Cad ay wax yar u jiraan kaddib markii ay ogaadeen halka ay ku nooshahay iyo sida ay u shaqeyso.

Laakiin MI6 waxaa ay sheegtay in ilaalo xoog leh oo ka tirsan AL-shabaab ku hayaan meelo ka mid ah Koofurta Yemen iyaga oo fursad fiican u heysta in ay isaga kala gudbaan Yemen iyo Soomaaliya iyaga oo adeegsanaya Dekadda Mukallah.

Haweeneydan ayaa ku eedeysan weerarro ay ku dhinteen 400 Qof oo ka dhaca gudaha Soomaaliya oo ay geysteen Al-shabab, weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee 2015kii oo ay ku dhinteen 149 Qof.

Odaygeeda ayaa ka dambeeyay weerarro 7dii July 2007dii ka dhacay UK kuwaas oo lala beegsaday Tareennada dhulka hoostiisa mara ee Magaalada London.

Sirdoonka Ingiriiska ee MI6 ayaa tan iyo 2013kii ku daba jira Haweeneydan,waxaana ay nambarka 1aad uga jirtaa dadka u dhashay Dalka Uk ee ay dowladda Ingiriiska baadi goobeyso.

Source: Belfastlive.co.uk

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

8 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

10 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

11 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

16 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

18 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

18 hours ago