Golaha shacabka oo ansixiyay xeer hoosaadkooda, iyo miisaaniyadda qaranka ee 2019

Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeer hoosaadka Golaha oo dib u eegis lagu sameeyay.

170 XIldhibaan oo ka mid ahaa Xubnaha kulanka Golaha ee maanta fadhiyay ayaa oggolaatay xeer hoosaadka isbeddelka lagu sameeyay halka hal xildhobaan uu diiday.

Ma jirin Xildhibaanno kale oo ka aamusay ama diiday,waxaana sidaaas lagu ansixiyay xeer hoosaadka Golaha shacabka Soomaaliya oo bilihii la soo dhaafay ay Xildhibaannada dib u eegis ku wadeen.

Waxaa lale oo ay Goluhu maanta ansixiyeen Miisaaniyadda Qaranka ee 2019ka oo gaareysa $340 Milyan.

174 Xildhibaan oo ahaa kuwa kulanka fadhiyay ayaa ansixiyay, ma jirin Xildhibaanno diiday ama ka aamusay.

Dhinaca kale Golaha shacabka ayaa meel mariyay xeerka  howl gabnimada, xaqsiInta iyo hibooyinka xubnaha Cidamada Qalabka sida.

Xeerkan waxaa u codeeysay 173 Xidlhibaan, 171 ayaa oggolaatay halka 2 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha shacabka diideen, ma jirin cid ka aamustay.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa shir guddoominayay kulanka maanta,waxaana uu ajedana golaha ahaa;

1. U codeynta dib u eegista xeer hoosaadka golaha shacabka.

2. Aqrinta saddexaad sharciga howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida.

3. U codeynta qoondaha miisaaniyadda dowladda 2019.

Mustaqbal media

Recent Posts

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

2 hours ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

6 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

8 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

10 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

10 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

10 hours ago