Kaamiilia Saadaad, Waxa ay ahayd gabadha haysa sirta aabaheed madaxweyne Maxamed Anwar Saadad
Sida ay shaacisay Warbaahinta Masaaridu waxa geeriyootay Kaamiiliya Saadaad oo ah gabar uu dhalay madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Anwar Saadaad gelinkii dambe ee Arbacadii, Kaamiiliya Saadaad ayaa ahayd xog-hayaha sirta ee Aabaheed madaxweyne Anwar Saadaad.
Kaamiiliya Saadaad oo ay dhashay xaaskii koowaad ee madaxweyne Saadaad Iqbaal Maadi ayaa u geeriyootay xannuun dedeg ah oo ku soo booday isla shalay, waxa ay ahayd 74 jir xog iyo sir badan oo Masar leedahay ogeyd.
Warbaahinta Masar ayaa ku warrantay in Kaamiiliya meydkeeda lagu aasayo Qabuuraha Reer Saadaad oo ku yaal magaalada caasimadda ah ee Qaahira, Kaamiiliya waxa ay muddo dheer la kufaa kaceysay xannuun kudhaca Xididada dhiigga, waxa ay isu diyaarineysay safar caafimaad oo ay kutegi lahayd Jarmalka balse kahor intii aanay bixin ayay geeriyootay.
Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Anwar Saadaad ayaa guursaday laba xaas oo kala ah Iqbaal Maadi iyo Jiihaan Safwat, waxa ay labaduba u dhaleen 7 carruur ah oo ay kamid tahay Kaamiiliya oo ah bahda waaweyn.
Madaxweyne Maxamed Anwar Saadaad waxa uu xiriir saaxiibtinimo la lahaa madaxweynihii hore ee Soomalaiya Maxaed Siyaad Barre, November 1971 ayuu Jaalle Siyaad Ahun waxa uu safar kutegey magaalada Qaahira, madaxweyne Anwar iyo madax katirsan xukuumaddii Masaarida ee xilligaas ayaa si weyn u soo dhoweeyey Jaalle Siyaad
Isha: Al ahraam+ Aljasiira
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…