Booliska Sri Lanka oo nadiifinaya waddooyinka caasimadda Colombo, Gaadiidka gurmadka u gaaraan goobaha dhibaatada ka dhacday.
Ugu yaraan 160 qof ayaa ku dhintay halka dad ka badan 400 qof ay ku dhaawacmeen weerarro isku xiran oo saaka ka dhacay magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Dalka Sri Lanka.
Goobaha la weeraray ayaa kala ah saddex Kaniisadood iyo saddex Hoteel, Kaniisadaha waxaa ay ku kala yaallaan meelo kala duwan hayeeshee Hoteellada ayaa ku yaalla Caasimadda Colombo,waxaana ku dhintay daraasiin dad ah.
Ciidamada dowladda ayaa gurmad u fidiyay meelaha ugu badan ee ay waxyeellada ka dhaceen halka kooxaha gurmadka ay ku howllanyihiin daad guryenta dhibbanayaasha.
Madaxa Booliska Sri Lanka ayaa sheegay in 10 maalmood ka hor sirdoon Ajannabi ah uu u sheegay in weerarro laga qorsheynayo gudaha dalka Sri Lanka,waxaana qorsheynayay Kooxda National Tawxiid Jamaaca ee Muslimiinta ah oo gudaha dalkaas ka dagaallama.
70% Dadka dalka Sri Lanka waa Budhist, 12% waa Hindu halka 105 ay Muslimiin yihiin,waxaa kale oo jira Kiristaanka oo 7% ah.
Dowladda Hindiya ayaa ilaa hadda sheegtay in ay garabtaagan tahay Dalka Srilanka iyada oo sheegtay in dhibaatada ay la wadaageyso dadka dalkaasi.
Dowladda Sri lanka waxaa ay xaqiijisay in dadka ilaa hadda dhintay ay ku jiraan 35 Qof oo Ajannabi ah kuwaas oo aysan sheegin dalalka ay u kala dhasheen.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…