Shirka Culimada xukuumadda oo Muqdisho kafurmay
Shirka culimada xukuumadda Soomaaliya oo ay kaqaybgelayaan xubno katirsan ururo kaladuwan sida Ictisaam, Majmac, Suufiya iyo Iqwaanka ayaa maanta kafurmay magaalada Muqdisho sida ay shaacisay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta.
Shirkan oo ay ahayd in uu xilli hore qabsoomo ayaa dhowr jeer oo hore baaqday kaddib iskuday ay xukuumaddu kudooneysay in aysan kulugyeelan khilaafka iyo kaladuwanaanshaha dhinaca aragtida diinta ah ee u dhexeeya ururadan.
Shirkada culimada xukuumadda ee maanta kafurmay magaalada Muqdisho oo uu furay madaxweyne Farmaajo ayaa kusaabsan in xukuumadda iyo xubnaha ka socda ururada culimadu ay kawadahadlaan kaalintooda geeddi-socodka arrimaha amniga iyo dib u heshiinta.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa imtixaan adag marsiineysa xubno caan ah oo katirsan culimada kaqaybgelysa shirkan kuwaas oo ay xukuumaddu uga baahan tahay in ay ka caawiyaan hirgelinta qorshaha xukuumadda iyo xakameynta mucaaradka, iyaga oo qaarkood ay iskudayeen in ay aragtida xukuumadda iyo qorsheheeda kasoo saaraan fatwooyin diini ah oo intooda badan katurjumaya sida ay xukuumaddu dooneyso iyo habka ay rabto in ay u wajahdo arrimaha amniga iyo siyaasadda.
Xubnaha culimada kaqaybgelaya shirkan qaarkood ayaa horay u saasaaray una jeediyey hadalo muran iyo dood badan kadhexdhaliyey bulshada kuwaas oo sheegayey in ciddii mooshin keenta ay garaacayana uguna gelayaan meelaha ay deggan yihiin, hadalkaas waxaa jeediyey Sheekh Nuur Baaruud bishii July-2017 isaga oo kaqaybgelayey kulan weyn oo uu joogay wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Dhowaan xubno katirsan culimada kaqaybgelaya shirkan ayaa kasoo muuqday muuqaallo ay ku sheegeen in ay Bannaanbaxa iyo cabashada kaladuwan ee dadweynaha ka fiirinayaan waxa ay diinta kaqabto iyada oo qaarkood sheegeen in aan la qaban karin bannaanbax kadhan xukuumadda, taas oo lagayaabo in ay muujiso in culimadu kumilmayaan xisbiyada iyo siyaasiyiinta kutartamaya xukunka iyo siyaasadda.
Waa maxay kaalinta culimadu
Guud ahaan culimada waxaa u furan kalain weyn oo kusaabsan qaybaha kaladuwan ee nolosha iyaga oo aan kusalayn aragtidooda iyo fatwooyinkooda diineed hadba dhinaca ay raacsan yihiin ama ay gacansaar la leeyihiin, meelaha ugu waaweyn ee u baahan talada iyo tusaalaha culimada waxaa kamid ah xakameynta iyo kaqaybqaadashada sidii dhallinyaradu uga badbabaadi lahayd aragtida xagjirka oo sababtay dhimashada kumanaan qof iyo burburka hantida sidaas oo kale waxa u furan culimada in ay kaqaybqaataan horumarinta arrimaha:-
Shirka culimada xukuumadda sida loo badinayo waxaa kasoo bixi doona bayaan ama war-murtiyeed kusaabsan howsha xukuumadda, Nabadgelyada, Mucaaradka iyo Bannaanbaxyada.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…