Maxamed Nuur oo joogo Maxkamadda Hennepin
Maxamed Nuur oo katirsanaa Booliiska Minneapolis kuna eedeysan dilka haweeney u dhalatay Dalka Australia ayaa lagu xukumay 12-sano iyo Bar, kadib markii lagu helay kiiska dilka Haweeneyda.
Dilka ayaa dhacay sanadkii 2017-kii, wixii xiligaas ka dambeeyay waxa uu soo gaarayay heerar kala duwan sida warbaahinta Mareykanka ay sheegtay.
Bishii april ee sanadkaan 2019-ka ayaa la horgeeyay Maxamed Nuur Maxkamad, inkasta oo dib loo dhigay kiiskiisa.
“Waan ka xumahay waxa dhacay, waana qalad iga dhacay, ehelka Justine Ruszczyk waxa aan weydiisanayaa in ay I cafiyaan” ayuu yiri Maxamed Nuur.
7-dii June 2019-ka oo shalay ku beegneed ayaa Maxkamad ku taalla Hennepin waxa ay Maxamed Nuur ku ridday Xukunka Xabsiga ah oo saddex qaybood labo qayb qaadan doono sida uu dhigayo sharciga Mareykanka.
Soomaalida Mareykanka kunool ayaa dhaliilsan qaabka xukunta dhowr iyo tobanka sano ah ee lagu riday Maxamed Nuur oo kamid ah dhalinyarada Soomaalida ee darajada sare ka gaaray Booliiska Mareykanka.
Maxamed Nuur oo ahaa nin 33-sano jir ah ayaa noqonaya sarkaalkii ugu horeeyay ee lagu rido Xukun intaa la eg, isaga oo loo heysto in kiis dil ah, waxaana maxkamadda Goobjoog ka ahaa ehelka Justine oo ahayd 40-sano jir ku baxday Gacanta sarkaalka.
Maxamed iyo Haweeneyda uu dilay waxa ay wada heysteen muwaadinimada Mareykanka oo ay u wehliyaan kuwooda asalka ah ee Soomaaliya iyo Australia.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…