DIBADDA/Wararka

Rwanda iyo DRC Congo oo heshiis ku kala saxiixanaya dalka Mareykanka

Dowladaha Rwanda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa lagu wadaa in ay maanta ku kala saxiixdaan magaalada Washington heshiis lagu soo afjarayo colaad ay ku geeriyoodeen kumanaanka ruux, taasi oo ka socota Bariga DRC.

Sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Tommy Pigott, wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal ayaa heshiiska ku saxiixi doona Washington, waxaana goob joog ka noqon doona Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale shaaciyay in madaxweyne Donald Trump uu la kulmi doono wasiirrada labada dal oo uu ku qaabili doono xafiiskiisa Oval Office.

Bayaan wadajir ah oo ay si horudhac ah u soo saareen saddexda dal ka hor saxiixa heshiiska ayaa lagu sheegay in heshiisku uu ka koobnaan doono ixtiraamka madax-bannaanida dhuleed iyo joojinta dagaalka.

Sidoo kale, labada dal ayaa ku heshiin doona in hubka laga dhigo dhammaan kooxaha hubeysan ee aan dowliga ahayn.

Heshiiska ayaa ku soo aadaya xilli Rwanda ay diiday in kiiska labadad dal ay qaado Maxkamadda Afrika ee ilaalinta xuquuqda Binu aadanka.

Mustaqbal

 

 

 

MM News

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

6 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

6 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

7 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

9 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

9 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

11 hours ago