GUDAHA/wararka

Madaxweynaha Xasan Shiikh oo u hambalyo u diray dowladda iyo shacabka Jabbuuti

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shacabka iyo Dowladda Jabbuuti ugu hambalyeeyay Munaasabadda xuska 47-aad ee xorriyadda dalkooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in halgankii gobanimada Jabuuti uu muujiyey awoodda iyo wax wada-qabsiga dadka Soomaaliyeed, isagoo boggaadiyey doorka muhiimka ah ee Jabuuti ay ka qaadatay taageerada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan intii lagu jiray marxaladaha adag ee dalka soo maray.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhab ah uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo, derisnimo iyo iskaashi ee kala dhexeeya Jabuuti, taasoo saldhig u ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo Dowladda Jabuuti u rajeeyay horumar, midnimo, iyo nabad waarta, waxa uuna muujiyey in Soomaaliya iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo walaalo ah oo wadaaga dano, dhaqan iyo himilooyin fog.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

7 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

7 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

8 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

10 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

10 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

12 hours ago