GUDAHA/wararka

RW Xamsa oo maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood & Diyaargarowga soo dhaweyntiisa oo socota

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari, waxaa socda diyaargarow xooggan oo lagu soo dhaweynayo.

Laascaanood waxaa ku sugan Wasiirro katirsan Xukuumadda Dan-Qaran, Taliyaha Booliiska Soomaaliya, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA iyo mas’uuliyiin kale oo maalmihii lasoo dhaafay gaaray.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda uu gaaro Magaalada Laascaanood, waxaana kaddib la gudagalayaa Caleemo-saarka Maamulka Waqooyi Bari & Kulamada mas’uuliyiinta halkaas ku sugan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre waxa uu safarkaan u yahay socdaalkiisii labaad uu ku tago Magaaladaas isaga oo xilkaan haya, horay ayuu u tagay 12kii April sanadkii hore 2025, waxaa la adkeeyay amniga Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

3 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

4 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

5 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

5 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

5 hours ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

23 hours ago