Shirka toddobadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland oo maanta ka qabsoomay magaalada Garoowe, uuna guddoomiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Maamulkaasi.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in golaha wasiirrada gabi ahaanba amreen in la mamnuuco khamaarka internet-ka ee loo yaqaanno 1xBet.
Bayaanka ayaa farriin loogu dirtay shirkadaha isgaarsiinta, iyadoo la amray in si dhameystiran loo joojiyo adeegyada 1xBet ee laga isticmaalo deegaanada Puntland.
“Golaha Wasiirada ayaa markale ku celiyay in Puntland uu mamnuuc ka yahay Khamaarka (1xBet), waxaana lagu wargeliyay Hay’adaha iyo Shirkadaha Isgaarsiinta in si dhameystiran loo joojiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada.
Go’aankan ayaa ku soo aadaya xilli muddooyinkii u dambeeyey ay soo kordhayeen cabashooyinka waalidiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee ku aaddan saamaynta xun ee khamaarka 1xBet uu ku yeeshay amniga iyo akhlaaqda dhallinyarada.
Mustaqbal
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…