Laamaha Amniga ee dalka Liibiya ayaa shaaciyay in ay heleen xabaal wadareen ay ku jiraan meydadka 21 ruux oo ka soo wada jeeda Qaaradda Afrika.
Xabaasha ayaa laga helay gudaha beer ku taalla magaalada Ajdaabiya ee bariga dalka Liibiya, waxaana xogaha tilmaamayaan in dadkani dhalashadooda kala duwan tahay.
Warbixinnada hordhaca ah ayaa tibaaxaysa in muhaajiriintan uu si arxan darro ah u dilay nin u dhashay dalka Liibiya oo horay ugu eedeysana dambiyo ka dhan ah aadanaha.
Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan eedeysanaha, kaas oo hadda baaritaan lagu hayo.
Intii uu howlgalku socday, ciidanka waxay sidoo kale isla beertaas dhexdeeda ka heleen goob loo isticmaali jiray xabsi ahaan, iyadoo lagu hayay muhaajiriin kale oo loo haystay madax-furasho.
Muhaajiriinta la badbaadiyay ayaa lagu soo waramayaa inay ku sugnaayeen xaalad caafimaad oo aad u daran, iyadoo qaarkood ay qabeen dhaawacyo rasaas ah oo ay u geysteen kooxaha haystay.
Dadka dhaawaca ah iyo kuwa xanuunsan ayaa loola cararay Isbitaalka weyn oo ku yaalla magaalada Ajdaabiya si loogu daweeyo.
Hay’adda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in howlgalkan uu yimid ka dib markii ay heleen xog-ururin iyo dabagal dheer oo lagu hayay goobta beerta ah.
Dhacdadan ayaa mar kale muujinaysa khatarta ay la kulmaan dadka Tahriibeyaasha ah ee doonaya in ay gaaraan dalalka Yurub, balse gacanta u gala kooxaha magafeyaasha.
Mustaqbal
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…