RW Khayre oo kulankiisii u dambeeyay la qaatay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan sagootin ah Muqdisho kula yeeshay safiirkii Ingiriiska ee Soomaaliya, David Concar oo dhamaystay xilli howleedkiisii Soomaaliya.

Safiirka xilli hawleedkiisu dhammaaday ee Ingiriiska u qaabishanaa Soomaaliya, David Concar, ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre iyo guud ahaan madaxda dalka uga mahadceliyay hannaanka wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen intii uu ahaa safiirka iyo sida sharafta badan ee loo sagootiyay.

“Waxa aan kulan sagootin ah maanta Muqdisho ugu sameeyey danjire David Concar oo dhamaystay xilligii shaqo ee dalkeenna.”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre oo safiirka uga mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee dawladda Soomaaliya uu la qabtay xilligii uu dalka ka shaqaynayay, ayaa guddoonsiiyay haddiyado guddoonsiiyay safiir David Concar.

Dowladda UK ayaa 30-kii bishii hore Safiir cusub u soo magacawday Soomaaliya, kaasoo bishan February 2019 xilka la wareegi doona.

Safiirka cusub ayaa lagu magacaabaa Benjamin James Fender, waxaa uu horay uga soo shaqeeyay Safaarado kala duwan oo uu ka soo noqday Qunsul, Safiir kuxigeen iyo Xoghayaha Koowaad.

UK ayaa ka mid ah dowladaha si dhow u taageera Soomaaliya, waxaa ka jooga Soomaaliya Ciidamo tababar siiya Ciidanka AMISOM iyo kuwa Soomaalida.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Danjire oo Danjire David Concar Guddoonsiinaya billad.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Danjire David Concar
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Danjire David Concar kulankoodii ugu dambeeyay.
Mustaqbal media

Recent Posts

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

40 mins ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

5 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

8 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

8 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

8 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

10 hours ago