Xildhibaan Nuur Xaashi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hir-Shabeelle, dhanka kalena ku jira Guddiyada Baarlamaanka Maamulkaas ayaa sheegay in maanta kulan ay lahaayeen ay hor istaageen Ciidamo uu sheegay in uu soo diray Madaxweyne Waare.
Askartaan ayuu tilmaamay Xildhibaanka in ay dalbadeen in lagu wareejiyo Furaha Xarunta, Xildhibaanadane ay kala tagaan, sidaasne uu ku amray Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Xiisad iyo buuq ka dhashay arrintaan kadib waxaa kusoo baxay Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe oo telefoon kula hadlay Guddoonka Baarlamaanka, askartiina ku amray in ay xarunta isaga tageen sida uu Mustaqbal u sheegay Xildhibaan Nuur Xaashi.
Fadhigooda ayuu tilmaamay Xildhibaanka in maanta uu ka baaqday, laguna go’aamin lahaa kulankooda berri oo uu sheegay in uusan hubin qabsoomid iyo dib u dhac toona.
Xildhibaan Nuur Xaashi ayaa tallaabadaan ku tilmaamay in Madaxweynaha uu ku tumanayo Dastuurka Hir-Shabeelle, maadaama uu sheegay in iyaga ay doorteen kolkiisii hore.
Guddoonka iyo Xildhibaanada ayuu sheegay in laga sugayo go’aanka ay ka qaataan arrintaan oo ah mid ku cusub Hir-Shabeelle sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle wali ma jiro war kasoo baxay oo uu kaga warcelinayo Eedahaan ah in uu Ciidamo u diray Xarunta Baarlamaanka si ay u hor istaagaan fadhigooda.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…