Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Real Bestis oo Camp Nou ku garaacday Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa xalay garoonkeeda Camp Nou kuso dhaweysay dhigeeda Real Bestis ciyaar waali aheyd oo dhaxmartay labada kooxood ayaa kuso dhamaatay natiijo aan la fileynin.

Kulanka ayaa ahaa Midkii ugu horeeyay ee uu ku bilowdo Lionel Messi kadib markii uu ka soo kacay dhaawac uu ku maqnaa 5-tii kulan ee ugu dambaysay tartamada oo dhan.

Real Betis ayaa kulanka ku bilaabatay si geesinimo leh iyaga oo qaadayay weeraro ay doonayeen in ay goolal kaga dhaliyaan kooxda Barcelona kulankana hogaanka u qabtaan.

Betis ayaa sidii ay doonaysay heshay daqiiqadii 20-aad waxana ay dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Junior Firpo kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

kooxda Martida ahayd ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii waday dadaalkii ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolal kale hogaankana ciyaartana ugu sii dheeraystaan.

Daqiiqadii 34-aad ayuu xiddiga Joaquin u dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta isaga oo ciyaarta ka dhigay 2-0 ay kooxda Real Bestis ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada Kooxood ugu kala bexeen kuna aadeen qolka nasashada si ay labadooda tababare ula soo kala tashadaan.

Qaybtii dambe ayay kooxda Barcelona ku bilaabatay si diiran iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolasha ka hor inta ayna wakhti dambe gaarin xeedho iyo fandhaalna kala dhicin.

Xiddiga Lionel Messi ayaa Barcelona goolka 1-aad u dhaliyay daqiiqadii 68-aad isaga oo dib u shiday kulanka iyo waliba rajada kooxdiisa ah in ay kulanka ku soo laabato.

Laakiin kooxda Real Bestis oo aan wax baqdin ah muujin ayaa halkeedii kasii waday dadaalkii ay ku doonayeen in ay Barcelona goolal uga dhaliyaan iyaga oo aan daafac galin.

Real Betis ayaa daqiiqadii 71-aad dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Giovani Lo Celso kaas oo ciyaarta ka dhigay 3-1 ay Bestis hogaanka ku hayso.

Barcelona ayaa sii waday dhankeeda dadaalka ay ku doonaysay goolasha waxana ay daqiiqadii 79-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Arturo Vidal kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-3.

Real Bestis ayaa mar kale dhalisay goolkii 4-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Sergio Canales kaas oo hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 4-2.

Laakiin Lionel Messi ayaa markale soo laabtay daqiiqadii 90-aad dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa kulankana ka dhigay 3-4 iyadoo ciyaarta ugu dambeyn ay sidaa kusoo dhamaatay.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

13 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

15 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

18 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

20 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

21 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

22 hours ago