Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Juventus oo ku tumatay AC Milan.

Kulankii ugu adkaa kulamadii todobaadkan ayaa xalay ka dhacay garoonka Milan ee Sansirio waxaana kuso boqatay hogaamiyaasha horyaalka ee Juventus.

Kooxaha Milan iyo Juventus ayaa kulanka la wada sugayay ee horyaalka Serie A kaga bilaawday si cajiib ah, xili labada kooxood ay kulankan doonayeen in ay gaaraan guul muhiim ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineesay kooxda martida ahayd ee Juventus.

Daqiiqadii 8-aad ayaa waxaa ciyaarta 1-0 ka dhigay Mario Mandzukic, kadib markii uu caawinta goolkan uu ka helay saaxiibkiis difaaca garabka bidix ee reer Brazil Alex Sandro.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay halkooda kasii wadeen weerar iyo weerar celis, Milan ayaana u muuqatay in ay si weyn u raadineesay goolka barbaraha ciyaarta.

Gonzalo Higuain ayaa qeybta labaad ciyaarta ka qasaariyay kooxdiisa AC Milan gool ku laad ama rigoore, kadib markii uu garsooraha ciyaarta ku abaal mariyay rigoore.

Laakiin waxay wax walba isbadaleen daqiiqadii 81-aad kadib markii uu Cristiano Ronaldo ciyaarta ka dhigay 2-0, waxaana caawinta goolkan lahaa Cancelo, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 2-0 ay ku hogaamineesay kooxda Juve.

Daqiiqadii 84-aad weeraryahanka kooxda AC Milan Gonzalo Higuain ayaa loo taagay kaarka roosaha kadib qalad uu ku gulay difaaca kooxda Juventus ee Benatia.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 2-0 ay guusha ku raacday kooxda martida ahayd ee Juventus, taasoo sare u sii qaaday dhibcaheeda dhanka hogaanka, waxayna haatan 6 dhibcood nadiif ah ka sareeyaan kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Napoli.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

37 mins ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

57 mins ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

3 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

3 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

3 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

17 hours ago