Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad ayaa kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, xilli ay magaalada New Delhi uu kaga qeybgalayo shirka Wasiirrada Ururka Iskaashiga Dalalka ku Teedsan Badweynta Hindiya.
Cali Balcad iyo Wasiiro kale oo wehliya ayaa Ra’iisul Wasaaraha Hindiya gaarsiiyey salaan ay ka sidaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada badda, ganacsiga iyo kobcinta xiriirka bulshooyinka labada waddan.
Sidoo kale, Soomaaliya ayaa muujisay danayn ay ku horumarinayso fursadaha waxbarasho iyo adeegyada caafimaad ee ay muwaadiniinteedu ka heli karaan Hindiya.
Soomaaliya iyo Hindiya ayaa leh xiriir soo jireen ah oo ku dhisan ganacsi iyo saaxiibtinimo.
Mustaqbal
Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan gaar ah la…
Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu si rasmi ah uga furmo Tartanka Kubadda…
Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku goodiyay in uu qaadayo howlgallo ka dhan ah AS si…
Dalka Suudaan oo dagaal Sokeeye galay sannadkii 2023 waxa uu galay xaalad kasoo kabasho colaadeed…
Magaalada Garoowe waxaa maanta lagu dooranayaa Guddoomiyaha iyo ku xigeenka ee Dalladda Bulshada Rayidka ee…
Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres oo ka hadlay munaasabadda loogu magac daray "Maalinta…