Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu si rasmi ah uga furmo Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir, iyadoo sannadkan lagu marti qaaday degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.
Tartankan oo sanadkan uu martigelinayo garoonka weyn ee Stadium Muqdisho ayaa waxaa ku cusub degmooyinka Jowhar, Warshiikh oo ka tirsan Shabeellada Dhexe iyo Gubta oo ku taalla gobolka Banaadir.
Sidoo kale, waxaa sannadkii labaad tartanka ka qeyb galaya degmada Balcad oo u dhow Muqdisho, iyadoo sannadkan uu muuqdo diyaar garowga ciyaartoyda iyo maamulada degmooyinka.
Ciyaarta ugu horreysa waxaa ciyaaraya Gubta iyo Howlwadaag, waxaana furitaanka ka qeyb galaya Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Boqolaal taageerayaal ah ayaa si gaar ah u xiiseeya daawashada Kubadda Cagta ayaa ku sii qulqulaya Garoonka Muqdisho, kuwaasi oo isaga kala yimid dhammaan degmooyinka iyo hareeraha gobolka Banaadir.
Mustaqbal
Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan gaar ah la…
Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku goodiyay in uu qaadayo howlgallo ka dhan ah AS si…
Dalka Suudaan oo dagaal Sokeeye galay sannadkii 2023 waxa uu galay xaalad kasoo kabasho colaadeed…
Magaalada Garoowe waxaa maanta lagu dooranayaa Guddoomiyaha iyo ku xigeenka ee Dalladda Bulshada Rayidka ee…
Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres oo ka hadlay munaasabadda loogu magac daray "Maalinta…
Lix qof oo hubeysan ayaa la sheegay inay fuuleen markab ganacsi oo marayay Gacanka Cadmeed…