GUDAHA/wararka

Maamulka Koofur Galbeed oo ku goodiyay in uu dib u qabsanayo Deegaannada gacantooda ka maqan

Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku goodiyay in uu qaadayo howlgallo ka dhan ah AS si ay dib uga qabsadaan deegaannada gacantooda ka maqan ee Dowlad Goboleedkaas si adeegyada Bulshada loo gaarsiiyo sida hadalka loo dhigay.

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Nuur Siidow Baaba ayaa sheegay in maamulkiisa uu xoogga saarayo dib u qabsashada Deegaannadaas lagana saari doonno AS sida uu yiri

Nuur Baaba ayaa sidoo kale sheegay in ay is dhinac socdaan howlgallada ka dhanka ah AS iyo ballaarinta Adeegyada Bulshada sidaasi awgeed Shacabka looga baahan yahay in ay garab istaagaan Ciidamada Qalabka sida ee howlgalladaas wada.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa horay ugu dhawaaqay howlgallo ka dhan ah AS iyo Maleeshiyaadka Taabacsan Madaxweynihii hore ee Maamulkaas, Cabdicasiis Laftagareen oo gacanta ku dhigay deegaanno katirsan maamulkaas.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Maxay go’aan ku gaareen Hoggaamiye Aadan Madoobe iyo Saraakiisha Ciidanka Itoobiya?

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan gaar ah la…

8 hours ago

3 Degmo oo ka tirsan Shabeellada Dhexe oo ka qeyb galaya Tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu si rasmi ah uga furmo Tartanka Kubadda…

12 hours ago

Suudaan oo dib u billowday in ay Moos u dhoofiso Sacuudiga

Dalka Suudaan oo dagaal Sokeeye galay sannadkii 2023 waxa uu galay xaalad kasoo kabasho colaadeed…

17 hours ago

Garoowe oo maanta lagu dooranayo Guddoomiyaha & ku xigeenka PUNSAA

Magaalada Garoowe waxaa maanta lagu dooranayaa Guddoomiyaha iyo ku xigeenka ee Dalladda Bulshada Rayidka ee…

19 hours ago

QM oo Israa’iil usoo jeedisay in ay xayiraadda ka qaado Falastiin

Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres oo ka hadlay munaasabadda loogu magac daray "Maalinta…

20 hours ago

Markab lagu weeraray meel u dhow xeebaha Soomaaliya

Lix qof oo hubeysan ayaa la sheegay inay fuuleen markab ganacsi oo marayay Gacanka Cadmeed…

1 day ago