Qiimaha saliidda cayriin iyo Shidaalka ee suuqyada caalamka ayaa hoos u dhac weyn laga diiwaangeliyay maanta oo Khamiis ah, ka dib markii ay dawladaha Mareykanka iyo Iran saxiixeen heshiis nabadeed oo kumeel gaar ah, kaas oo soo afjaraya xiisad muddo afar bilood ah ka taagnayd gobolka.
Saliidda nooca Brent ayaa hoos u dhacday 2.3 boqolkiiba Suuqyada Ganacsiga ee qaaradda Aasiya, iyadoo halkii foosto lagu kala iibsanayay $77.73.
Hoos u dhacan ayaa yimid ka dib markii labada madaxweyne ay ku heshiiyeen in la kordhiyo xabbad-joojinta, isla markaana dib loo furo Marinka muhiimka ah ee Hormuz.
Tan iyo markii uu 28-kii Febraayo ee sannadkan billaawday dagaalka Iiraan iyo mareykanka waxaa sii kordhayay, iyadoo hoos dhaca yimid ka dib markii ay heshiiyeen.
Mustaqbal
Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…