Qaar kamid ah Shacabka Dalka Maraykanka oo la hadlay Warbaahinta waxa ay Madaxweyne Donald Trump ku eedeeyeen in uu dhulka dhigay awoodda Militari iyo tan siyaasadeed ee Dalkooda kaddib markii uu ku guuldaraystay duullaanka uu ku qaaday Iiraan.
Waxa ay dadkaan ku doodeen in uusan ka fiirsan duullaankaas oo si indha la’aan ah uu ku galay, waxaana ay kula taliyeen in uusan markale qaadin weerar aanay laga talagelin saraakiisha waaya-joogga u ahaa dagaallo kala duwan oo dalkooda uu qaaday.
Iiraan ayaa maanta ku maadsanaysa Maraykanka iyo xulufadiisa iyada oo loo ogolaaday waxyaabo badan oo markii hore ay wadahadal ka damacsanayn in ay kala gasho Xukuumadda Washington sida ay ku doodeen ilo kala duwan.
Maraykanka iyo Israa’iil ayaa ku kala tagay heshiiska Iiraan ay la gashay Washington, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo Donald Trump dhexda ka istaajiyay dagaalka Tehran ayaa weli doonaya in colaaddu ay sii socoto.
Mustaqbal
Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…