GUDAHA/wararka

DG Jubbaland oo kordhisay ciidamada ka howlgalla Jubada Hoose

Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtay furimaha hore ee Dagaalka ee Gobolka Jubada Hoose, waxaana ciidankaas la dardaarmay saraakiisha ciidamada iyo Wasiirka Amniga Gudaha Dowlad-Goboleedkaas, Sarreeye Gaas, Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal.

Ciidankaan ayaa loogu talagalay in ay xoojin u noqdaan ciidamo isugu jira Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Kumaandooska Danab ee ka howlgallaya GGobolka Jubada Hoose halkaas oo laga abaabulayo guluf ka dhan ah ‘AS’

Jubbaland ayaa shaacisay in ay doonayso qabsashada deegaannada gacantooda ka maqan ee Gobolka Jubada Hoose si ay ugu gudbaan wajiga xiga ee Gobolka Jubada Dhexe oo intiisa badan ay ku sugan yihiin ‘AS’ sida hadalka loo dhigay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi

Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…

11 hours ago

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

16 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

19 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

21 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

21 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

22 hours ago