Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo inay Soomaaliya soo gaaraan bisha Oktoobar, iyadoo arrintan qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo warshadaha kalluumeysiga iyo dhaqaalaha badda ee Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si weyn uga faa’iideysan karto dhaqaalaha buluugga ah, iyadoo kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ay yihiin il dhaqaale.
“Soomaaliya dhawaan waxaa imaan doona Maraakiib casri ah oo ka qeyb qaadan doona horumarinta Kalluumeysiga Dalka” ayuu yiri Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş.
Safiirku wuxuu sheegay in iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye uusan ku koobnaan doonin hawada sare, shidaalka iyo kalluumeysiga.
Wuxuu xusay in sidoo kale laga wada hadlayo qorshayaal lagu fulinayo mashaariic waaweyn oo la xiriira macdanta, beeraha, kaabayaasha waddooyinka iyo isku xirka magaalooyinka guud ahaan Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa dhawaan Turkiga la saxiixatay heshiis difaac oo la xiriira in la horumariyo Kalluumeysiga Dalka, iyadoo tababar dheeraad ah la siinayo Ciidanka Ilaalada Xeebaha Soomaaliya si ay uga hortagaan kalluumeysiga Sharci darrada.
Mustaqbal
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…
15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…