Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta soo saartay go’aan ay ku mamnuucayaan in ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku sugnaadaan ama ka hawlgalaan deegaannada hoos yimaada maamulkaas.
Go’aankan ayaa soo baxay kulan ay maanta yeesheen Golaha Xukuumadda Puntland, kaas oo uu guddoominayay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, uuna weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka, Ilyaas Cismaan Lugatoor.
Golaha Xukuumadda ayaa si cad u qeexay in Puntland aysan qayb ka ahayn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ilaa laga gaarayo heshiis dhammaystiran oo laga gaaro qodobbada masiiriga ah ee ay isku hayaan dowladda Federaalka iyo Puntland.
Sidaas darteed, Goluhu wuxuu faray dhammaan hay’adaha amniga iyo cadaaladda ee Puntland in aan deegaannada Puntland lagu arki karin, lagana dhex gudbi Karin ciidamo iyo gaadiid aan ka tirsanayn Ciidammada qalabka sida ee dowladda Puntland.
Tallaabadan ayaa u muuqata mid looga hortagayo dhaqdhaqaaqyo ay maalmihii u dambeeyay Dowladda Federaalku ka waday gudaha Puntland, kuwaas oo la doonayay in dib loogu hawl-geliyo cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo horay ugu sugnaa deegaannadaas.
Go’aankan ayaa ku soo aadaya xilli uu khilaafka siyaasadeed u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.
Mustaqbal
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…
15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…