Qarax ka dhacey xaafada Soonakeey ee magaalada Muqdisho

Qarax lagu xiray gaari ayaan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaarahaan xaafada Soonakeey ee dagmada Hodan Gobolka Banaadir

Goobjoogayaal ayaa Mustaqbal u sheegay in gaari qarxay uu watay askari ka tirsan ciidamada dowlada ismarkaana gaarigiisa qaraxa loogu xiray.

Dadka ku sugan halka qaraxu ka dhacey ayaa sheegey in uu meesha ku geeriyooday askari lagu magacaabi jiray Xasan Kaafi oo watay gaariga la qarxiyey,wararku waxay intaas ku darayaan inay meesha qaraxu ka dhacey ay isku gadaameen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayna diideen in laga agdhawaado gaariga qaraxa qabsaday.

Marar badan magaalada Muqdisho waxaa ka dhacey qaraxyo lagu xiray baabuur ay wateen masuuliyiin iskugu jira Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

10 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

13 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

14 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

15 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

15 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

15 hours ago