Wararka ka imanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta qarax ka dhacay.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay agagaarka Hotel hadda ka hor lagu dilay Cmar Xaashi oo ahaan jiray Wasiirkii arimaha gudaha ee dowladdii Sheekh Shariif.

Wariyaha Mustaqbal Radio ee Beledweyne ayaa sheegay in qaraxaasi uusan khasaare geysan islamarkana ahaa miino la dhigay waddada dhinaceeda.

Todobaadkan ayaa sidoo kale waxaa uu qarax ka dhacay Guri ku yaalla Xaafadda Kooshin ee Beledweyne halkaas oo ay ku dhaawacantay hal Gabar.

Inta badan Al-shabaab ayaa sheegta mas’uuliyadda dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

9 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

13 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

13 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

14 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

15 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

15 hours ago