qaramada midoobey
Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay Todobaadka soo socda billowdo Sanduuqa dhismaha nabadda ee Soomaaliya, kaas oo ay ku bixi doonto 30 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah.
Hawl-galka Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOM) ayaa Khamiistii sheegay in si loo caawiyo dedaallada nabadeed ee ka jira Dalka Soomaaliyeed la fulin doono mashaariic ay ka mid yihiin qorshaha horumarinta Qaranka iyo dhismaha dib u heshiisiinta.
Beesha Caalamka ayaa indhaha ku heysa isbadala ka socda Soomaaliya sida Amnig,Dhaqaalaha,Siyaasada iyo dib u eegista dastuurka qabyadaa ee Soomaaliya.
dhawaan ayay aheed markii Midowga Afrika ay ka dalbadeen beesha caalamka in Soomaaliya laga cafiyo daymaha lagu leeyahay, maadaama Wasaarada Maaliyada Soomaaliya ay wado dadaalo ku aadan sidii Soomaaliya looga dhaafi lahaa daymaha.
Qaramada Midoobay ayaa taageerayay geeddi-socodka nabadda Soomaaliya tan iyo 2009-kii, waxaana Sanduuqeeda taakuleyntana uu ku yaboohay ku dhowaan 45 Milyan oo Doollar oo lagu fuliyay mashaariic kala duwan.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…