GUDAHA/wararka

Puntland oo ciidamo dheeraad ah geysay gobolka Sanaag

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowlad goboleedka Puntland ciidamo dheeraad ah geeyay gobolka Sanaag, xilli halkaasi ay ka taagan tahay Xiisad.

Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in ciidamadan ay ka baxeen magaalada Qardho, isla markaasna la geeyay aaga Dhahar oo shalay dagaal culus ku dhexmaray Askarta Puntland iyo Ciidamo deegaanka ah oo la yiraah Maakhir.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu eedeyay dagaalkaasi in ay ku lug laheyd Dowladda Federaalka.

Puntland ayaa sheegtay in dagaalka Dhahar yahay faragelin siyaasadeed oo ka dhan ah Amniga Maamulkaasi.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka ayaa Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, iyada oo ku tilmaamtay inuu yahay dagaal huriye diidan dhismaha maamulka SSC Khaatumo.

Dagaalka ka dhacay Dhahar ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen 5 ruux, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, iyada oo dhinacyada loogu baaqayo nabad.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

7 mins ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

12 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

14 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

14 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

19 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

21 hours ago