Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh ayaa si adag uga hadlay dagaal iyo xiisada ka taagan magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag.
Qoraal uu soo saarey Wasiirka ayuu Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ku eedeyay inuu si bareer ah weerar ugu soo qaaday Magaalada Dhahar, isaga oo ciidamo ku soo daabulay halkaasi.
“Magaalada Dhahar ayuu Siciid Deni ka ridey dagaal keenay dhimasho iyo dhaawac dhalinyaro Soomaaliyeed, cabsi gelin iyo barokicin shacab. Ficilkiisa maanta, waxa uu horey uga jeediyey meel fagaare ah, isaga oo ku celceliyey colaad ka dhan ah geeddi-socodka dhimeystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.
Isagoo sii hadlaya ayuu caddeeyay wasiirka in aysan cidna hor istaagi karin dhismaha Maamulka SSC Khaatumo
“Dhismaha Dowlad goboleedyadu waa masuuliyadda Dowladda Federaalka ah, cidii cabasho ka qabta, doodeeda hasoo dhex mariso hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka ah. Qofna ma caburin karo shacabka, qofna qori kuma gaari karo siyaasadihiisa guracan” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.
Ugu dambeyn, wuxuu ku baaqay in la ilaaliyo nabadda gobolka Sanaag, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara Colaad.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…