Paraguay oo safaaraddeedii Quddus dib ugu celineysa Tel Aviv

Dowladda Paraguay,ayaa ku dhawaaqday in ay safaaraddeeda Magaalada Quddus dib ugu celineyso Magaalada Tel Aviv ee Caasimadda Israel,saddex bilood kaddib markii ay ka rartay Tel aviv una wareejisay Quddus.

Wasiirka arrimaha dibadda Paraguay,Luis Alberto Castiglioni,ayaa sheegay in go’aankaas uu ku fududaaday madaxweynihii hore ee dalkaas islamarkaana safaaradda dib loogu celinayo Tel Aviv.

Waxaa uu Wasiirku sheegay in Paraguay ay dooneyso Bariga dhexe oo siyaasad isla eg xal looga gaaro, islamarkaana sida caalamka ku heshiiyo loogu hoggaansamo.

Madaxweynihii hore ee Paraguay,Horacio Cartes,ayaa safaaradda Tel Aviv u wareejiyay Magaalada Quddus Bishii May ee sanadkan,markaas oo uu taageeray go’aankii Donald Trump ee safaaradda Mareykanka loogu wareejiyay Quddus.

Madaxweynaha cusub ee dalka Paraguay oo bishii August xilka la wareegay ayaa ka socda Xisbiga talada haya ee uu ka tirsanaa Madaxwyene Horacio Cartes,waxaana uu ka siyaasad duwanyahay Ninka uu xilka kala wareegay.

Mustaqbal media

Recent Posts

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

31 mins ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

1 hour ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

6 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

8 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

9 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

9 hours ago