DIBADDA/Wararka

Netanyaho oo ka jawaabay dalabaadkii ay Xamaas ku xirtay heshiiska xabbad joojinta ee lasoo jeediyey

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday shuruudaha xabbad-joojinta ee Xamaas – isagoo sheegay “guusha guud” ee Qasa in ay suurtagal tahay bilo gudahood.

Waxa uu hadlayay ka dib markii Xamaas ay soo bandhigtay dalabaadyo isdaba joog ah oo ay kaga jawaabayeen hindise xabbad-joojin ah oo ay taageerto Israa’iil.

Waxa uu sheegay in wada xaajoodka ay la leeyihiin kooxda “aanay meelna u socon” wuxuuna shuruudahooda ku tilmaamay kuwo la yaab leh.

Wadahadallada u dhexeeya wada-xaajoodayaasha ayaa sii socda.

“Ma jiro xal kale oo aan ahayn guul dhameystiran oo kama dambays ah,” ayuu Netanyahu ku sheegay shir jaraa’id Arbacadii.

“Haddii Xamaas ay ku badbaadi doonto Qasa, su’aashu waa uun goorma xasuuqa xigaayi.”

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegtay in hadalka Netanyahu ee ku aaddan hindisaha xabbad-joojinta ay muujinayso in uu doonayo inuu sii wado colaadda gobolka.

Xamaas waxay diyaar u tahay in ay wax ka qabato dhammaan fursadaha, ayuu yiri sarkaalka.

iSHA: BBC

MM Staff

Recent Posts

Maamulka Galmudug oo qaadacay eedeyn uga timid maamul goboleedka Puntland

Maamulka Galmudug ayaa ka falceliyay eedeyn uga timid Puntland kaddib markii Xukuumadda Siciid Deni ay…

2 hours ago

Golaha Mustaqbalka oo dalbaday in Ciidanka AUSSOM ay dalka sii joogaan

War kasoo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa fariin codsi ah loogu diray Dalalka ku deeqay Ciidamada…

2 hours ago

Guinea Bissau oo beenisay in ay aqoonsanayso Maamulka Waqooyi Galbeed

Dalka Guinea-Bissau ayaa beeniyay wararka la xiriira in uu aqoonsanayo maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya,…

2 hours ago

Ciidanka Danab oo howlgal ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Shabeelaha Hoose

Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ka sameeyay howlgallo…

3 hours ago

Ciidamada DFS ma awoodaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalka?

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa sheegay in Ciidamada…

4 hours ago

Madaxweynaha Suuriya “Kama tanaasuli doonno Dhulka ay Israa’iil naga haysato tan & 1973”

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharca oo bixiyay waraysi uu uga hadlay iskaashiga dhinaca Amniga ah ay…

4 hours ago