GUDAHA/wararka

Ciidamada DFS ma awoodaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalka?

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay awoodaan la wareegista mas’uuliyadda Amniga Dalka iyaga oo tusaale usoo qaatay isbaddelka nabadgalyada ah ee jira.

Waxa ay dalbadeen in lacagaha badan ee la siiyo Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM la siiyo Ciidanka Soomaaliyeed oo dhowrkii sanno kaligood samaynayay howlgallo ay ku qabsadeen deegaanno kala duwan oo Dalka ah.

Dadkaan la hadlay Mustaqbal Media ayaa sheegay in isbaddel cusub uu ka jiro dhinaca Ciidamada Soomaaliya marka la eego sida ay u sugayaan Amniga, ilaalinta Madaxda, Madaxtooyada iyo howlgallada ay ka fulinayaan deegaanno kala duwan oo Dalka ah.

Shacabkaan ayaa soo jeediyay in farqiga dhinaca Mushaharka ah ee u dhaxeeya Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Midowga Afrika aan ku salaysnayn howlgalllada ay qabanayaan, waxa ay soo jeediyeen in la garab istaago ciidanka Qaranka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Ciidanka Danab oo howlgal ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Shabeelaha Hoose

Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ka sameeyay howlgallo…

3 mins ago

Madaxweynaha Suuriya “Kama tanaasuli doonno Dhulka ay Israa’iil naga haysato tan & 1973”

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharca oo bixiyay waraysi uu uga hadlay iskaashiga dhinaca Amniga ah ay…

2 hours ago

Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi

Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…

10 hours ago

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

15 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

18 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

22 hours ago