DIBADDA/Wararka

Mareykanka oo duqeyn ku dilay hogaamiyaha Kataib Xizbullah

Millatariga Mareykanka ayaa sheegay, in duqeyn cirka ah oo loo adeegsaday diyaaradaha dhulka laga hago ay xalay ku dileen, hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Kataib Xisbullah, oo ah urur aad u hubeysan oo Ciraaqi ah balse ay taageerto Iran.

Weerarka oo ka dhacay magaalada Baghdad ee caasimadda Ciraq, ayay saraakiisha Mareykanku sheegeen in ay ku dileen, hogaamiyaha kooxda Kataib Hezbollah oo ay Washington sheegtay in ay si toos ah masuul uga aheyd, diyaarinta iyo ka qeybgalka weeraro lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka Bariga Dhexe.

Warka xalay kasoo baxay Mareykanka waxaa sidoo kale lagu sheegay, in duqeynti ay ka fuliyeen Baghdad aysan dad rayid ah wax ku noqon. Ilo wareedyo kasoo baxay Ciraaq iyo Iiraan ayaa lagu sheegay, in duqeyntaasi lagu dilay Wissam Muxammad Saabir Al-Sacdi, oo ku magac dheeraa Abu Baqir Al-Saadi.

War iyaguna kasoo baxay Kataeb Hezbollah, ayaa lagu xaqiijiyay in la dilay hogaamiyihi howlgallada Suuriya ee kooxda. Waxay sheegeen inuu ku dhintay duqeyn ay la beegsadeen Mareykanka.

Qarraxa lagu dilay hogaamiyahan ayaa ka dhacay xaafadda Mashtal ee bariga magalaada Baghdad. Saraakiisha Mareykanka waxay xaqiijiyeen in fulinta weerarkaasi aysan la socodsiin dowladda Ciraq. Arrintaasi ayaana laga cabsi qabaa in ay keento caro ka timaadda madaxda Ciraq.

Duqeyntan ayaa kusoo beegantay xilli ay maalmahani aad u kacsaneyd xiisadda gobolka Bariga Dhexe.

Isha: VOA

MM Staff

Recent Posts

Maamulka Galmudug oo qaadacay eedeyn uga timid maamul goboleedka Puntland

Maamulka Galmudug ayaa ka falceliyay eedeyn uga timid Puntland kaddib markii Xukuumadda Siciid Deni ay…

25 mins ago

Golaha Mustaqbalka oo dalbaday in Ciidanka AUSSOM ay dalka sii joogaan

War kasoo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa fariin codsi ah loogu diray Dalalka ku deeqay Ciidamada…

45 mins ago

Guinea Bissau oo beenisay in ay aqoonsanayso Maamulka Waqooyi Galbeed

Dalka Guinea-Bissau ayaa beeniyay wararka la xiriira in uu aqoonsanayo maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya,…

50 mins ago

Ciidanka Danab oo howlgal ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Shabeelaha Hoose

Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ka sameeyay howlgallo…

2 hours ago

Ciidamada DFS ma awoodaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalka?

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa sheegay in Ciidamada…

3 hours ago

Madaxweynaha Suuriya “Kama tanaasuli doonno Dhulka ay Israa’iil naga haysato tan & 1973”

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharca oo bixiyay waraysi uu uga hadlay iskaashiga dhinaca Amniga ah ay…

3 hours ago