Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA,ayaa sheegtay in howlgal xalay ka dhacay degaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha dhexe ay ku dileen xubno ka mid ah AL-shabaab.
Qoraal lagu qaabacay Bogga Twitter-ka ee Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lagu dilay lix ka mid ah AL-shabaab lana soo qabtay Ninkii madaxda u ahaa.
Waxaa kale oo Nabad Sugidda intaas ku dartay in ay Raggaasi qorsheynayeen weerar ay ka geystaan Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Indha qarshe ayaa sheegay in ay ka aargudanayaan AL-shabab kaddib dilkii ay AL-shabab ku geysteen saraakiishii Guutada 12ka April ee ku dhintay qarax miino oo ku qabsaday degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…