GUDAHA/wararka

MW Xasan Shiikh oo khadka Taleefankan kula hadlay Xoghayaha Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa khadka Taleefanka kula hadlay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abul Qeyd.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu sharci darro yahay go’aanka uu maamulka Waqooyi Galbeed ku doonayo inuu Safaarad uga furto Qudus.

Intii uu socday wada hadalka, Axmed Abul Qeyd ayaa muujiyay taageerada Jaamacadda Carabta ee xasilloonida iyo nabadda gobolka, muhiimadda ilaalinta madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo inaan loo oggolaan cid kasta inay wax u dhimto madax-bannaanida dal xubno ka ah Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyay Axmed Aboul Gheit wicitaanka xilligan muhiimka ah iyo taageerada Jaamacadda Carabta ee midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in falalka lagu bartilmaameedsanayo Soomaaliya ay khatar ku yihiin amniga Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka deriska ah ee ku yaalla Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

11 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

13 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

14 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

19 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

21 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

21 hours ago